1275 Views

Guddiga doorashooyinka oo ku baaqay in si deg deg ah loo soo xulo Ergooyinka doorashada Golaha Shacabka

Guddiga doorashooyinka oo ku baaqay in si deg deg ah loo soo xulo Ergooyinka doorashada Golaha Shacabka
____________________________________________________________________________

Afhayeenka Gudiga Doorashooyinka Heer Federaal Axmed Safiina ayaa sheegay in guddiga doorashooyinka Heer dowlad Goboleed ay u soo gudbiyeen liiska Shan kursi oo doorashadooda ay ku qabanayaan Magaalooyinka Dhuusamareeb & Gaalkacyo ee Maamulka Galmudug.
Afhayeenka oo Shir jaraa’id Warbaahinta ugu qabtay Magaalada Muqdisho ayaa ugu baaqay inay u diyaar garooban Beelaha leh iyo Dhaqankooda soo Xulista Ergooyinka Kuraasta Golaha Shacabka.

Waxaa uu uga mahad celiyay Maamulka Galmudug oo noqonaya Maamulkii ugu horreeyay ee qabanaya doorashada Golaha Shacabka, usaga oo rajo ka muujiyay in dhawaan la qabto doorashada Shanta kursi ee Golaha Shacabka.
Maalmaha soo socda ayaa waxaa lagu wadaa in Galmudug lagu qabto doorashada Shanta Kursi ee Golaha Shacbaka, waxaana tallaabadaasi ay ka dambeysay kadib safar uu Ra’iisul Wasaare Rooble uu ku tagay Magaalada Dhuusamareeb.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post