1572 Views

Mareykanka oo sheegay in xubno ka mid ahaa Al-shabaab uu ku dilay Degmada Jilib

Mareykanka oo sheegay in xubno ka mid ahaa Al-shabaab uu ku dilay Degmada Jilib
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | June 18,, 2019  –Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa sheegay in 16kii Bishan June oo ku beegan Axaddii ay labo weerar ka geysteen gudaha SOomaaliya.

Qoraal ka soo baxay Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa lagu sheegay in labo ka mid ahaa Al-shabaab ay ku dhinteen weerarradaas oo ka dhacay Magaalada Jilib ee Gobolka Jubada dhexe.

Warka Mareykanka ayaa intaas ku daray in uusan jirin khasaare ay duqeymahaasi u geysteen dadka rayidka ah ee ku nool Magaalada Jilib iyo hareeraheeda.

Duqeynta Mareykanka ayuu taliska Africom ku sheegay in ay qeyb ka tahay howlgallada Mareykanka ee lagu caawinayo dowladda Soomaaliya iyo Ciidamada AMISOM.

Al-shabaab ayaa todobaadkan weerarro waaweyn ka geystay gudaha Soomaaliya iyo Kenya waxana isu geyn ku dhintay dad ka badan 25 qof.

Weerarro ka dhacay Muqdisho ayaa waxaa ku geeriyooday dad ka badan 10 qof,waxaa sidoo kale weerar ka dhacay Wajeer ku geeriyooday 12 ka mid ahaa Ciidanka Booliska ee Dalka Kenya.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment