1491 Views

SAWIRO: Madaxweynaha Jubbaland oo gaaray Magaalada Af-Madoow

SAWIRO: Madaxweynaha Jubbaland oo gaaray Magaalada Af-Madoow
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | January 08, 2019 —Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa goor dambe oo maanta ah gaaray Magaalada Afmadow ee Gobolka Jubbada Hoose.

Madaxweynaha ayaa safar uu uga gol leeyahay abaabulka iyo dardar galinta howlgalka xoraynta Gobolka Jubbada Dhexe waxaa uu ugu tagay Ciidamada Jubbaland ee ku sugan Afmadow iyo deegaanada ku xeeran si uu u dhiri galiyo.

Inta uu Madaxweynahu halkaasi joogo waxaa kale oo u la kulmi doona qaybaha kala duwan ee Bulshada deegaanka.

Maamulka Jubbaland ayaa maalmahaanba waday dadaallo ay ku doonayaan in ay Shabab kaga saaraan deegaanada ay kaga harsanyihiin gobolka Jubbada Dhexe.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
_________________________________________________
_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment