936 Views

dalka Uganda oo sheegay in bisha Disembar ee soo socota ay dalka Soomaaliya u soo diri doonaan 160 askari

dalka  Uganda oo   sheegay in bisha Disembar ee soo socota ay dalka Soomaaliya u soo diri doonaan 160 askari
____________________________________________________________________________

Jimco: October 15, 2021

Mas’uuliyiinta dalka  Uganda ayaa  sheegay in bisha Disembar ee soo socota ay dalka Soomaaliya u soo diri doonaan 160 askari oo boolis ah,si ay uga qeybqaataan howlaha AMISOM  ee nabad -ilaalinta  dalka.

Saraakiisha ayaa dhameystay tababar socday muddo lix bilood ah oo loogu diyaar garoobay in ay ka qeybqaataan howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), sida ay sheegeen booliska dalkaasi.

Saraakiishu waxay ka shaqeyn doonaan maareynta kala dambeynta dadweynaha, ilaalinta shaqaalaha Midowga Afrika (AU) iyo taageeridda hawlgallada bilayska ee u baahan jawaab celin degdeg ah.

Uganda ayaa billowday inay ciidamo boliis ah keento Soomaaliya bishii July ee sannadkii 2012 -kii kaddib markii 2007 –dii,ay horay u soo dirtay ciidamo ka tirsan kuwa difaaca.

.

Xigasho

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post