258 Views

C/llaahi “Jaamacaduhu waa meesha dal & dad marka la soo nooleynayo dadka hormuudka u noqonaya ay ka soo aflaxaan”

C/llaahi “Jaamacaduhu waa meesha dal & dad marka la soo nooleynayo dadka hormuudka u noqonaya ay ka soo aflaxaan”
____________________________________________________________________________

Axad, 12 Febraayo [QARANIMO ONLINE] C/llaahi Saciid Xassan oo ka mid ah ardayda wax ka dhigata Jaamacadda ACCORD faraceeda Muqdisho, ayaa sheegay in Jaamacaduhu yihiin halka laga unko fikirka xorta ah ee ku dhisan isla xisaabtanka & ilaalinta sharciga, wuxuuna tilmaamay in ardayda wax ka dhigata Jaamacadaha ee maraya heerarkii ugu dambeeyay ee waxbarashadooda in aysan baran maadooyinka & culuunta oo keliya, ee ay bartaan habka ay u shaqeyso dunidda casriga ah.

“Jaamacaduhu, waa meesha hal abuurka & fikirku ka dhasho. Waa meesha xorriyad u dagaalanku ka dhasho. Waa meesha dal & dad marka la soo nooleynayo dadka hormuudka ah ay ka soo aflaxaan. Waa meesha lagala dagaalamo qabyaalada, laba-canleynta & ku-tumashada xuquuqda bini’aadamka” Ayuu yiri Cabdullaahi Saciid, isaga oo intaasi ku daray in shaqsiyaadkii holiyay bannaanbaxyadii lagu riday keli-talisyadii carabta in ay hor-kacayeen dhalinyaro wax bartay, oo ka dhiidhiyay dulmigii dalka ka dhacayay.

C/llaahi, wuxuu ammaanay hormuudka Jaamacadda ACCORD faraceeda Muqdisho, isaga oo ku tilmaamay aqoonyahanno kobcinaya maskaxda dhalinyarada hal-doorka ah.

“Dalku, wuxuu u baahan yahay dhiig cusub oo wax bartay, oo heerka fikirkoodu yahay in la soo nooleeyo, lana mideeyo dareenka & quluubta ummadda Soomaaliyeed, oo ay ku tacadiyeen kuwa manaxa-yaal ah” Ayuu yiri Cabdullaahi, wuxuuna intaasi ku daray in Soomaaliya aanu Qaran & dal keliya ka burburin ee xittaa ay dadkeedii ay jismi ahaan u nool yihiin balse ay ka dhinteen niyadii & kalsoonidii ay dalkooda ku qabeen.

“Qaran & Dal oo keliya innagama burburin ee Soomaalidu qof qof bey u burburtay, in la soo nooleeyo na waxay u baahan tahay in qof qofka laga billaabo” Ayuu yiri, wuxuuna ku celiyay in dadkii mushkilada burburka qeybta weyn ku lahaa in ay weli doonta naaquudayaal ka yihiin.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post