339 Views

Wasaaradda Arrimaha Gudah Dowladda Galmudug oo Magaalada Guriceel ka daahfurtay Dhismaha Golaha Deegaanka Degmada Guricee

Wasaaradda Arrimaha Gudah  Dowladda Galmudug oo Magaalada Guriceel ka daahfurtay Dhismaha Golaha Deegaanka Degmada Guricee
____________________________________________________________________________

l

Sabti: 19 Nofembar 2022

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-Uheshiinta Dowladda Galmudug Ayaa Magaalada Guriceel ka daahfurtay Dhismaha Golaha Deegaanka Degmada Guriceel .

Waxaa ka qeyb galay Munaasabadan Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Galmudug Mudane Cabdi Maxmed jamac (Cabdiwayel) Agaasimaha Guud Wasaaradda Arimaha gudaha, Wasiiro, Xildhibaano katirsan Galmudug, Gudoomiyaha Gobolka Galgaduud, Maamulka Degmada Guriceel Iyo qaybaha kala duwan ee bulshada Reer Guriceel.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Galmudug Mudane Omar Abdi Mohamed oo Hadal ka jeediyay Munaasabada ayaa codsadey in lala fududeeyo dhismaha Golaha degaanka Guriceel isagoo xusey in bulshadu ay fursad u heli doonto inay soo doortaan Golaha degaanka.

Ugu danbayntii Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Galmudug Mudane Cabdi Maxamed Jaamac (Cabdiwayel) ayaa kawaramay faa’iidada shacabka Reer Guriceel ugu jirta iney sameystaan gole degaan oo la xisaabtama maamulka Degmada.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post