522 Views

Wararkii ugu dambeeyey fashilka ku yimid jadwalka doorashada Garbahaarey

Wararkii ugu dambeeyey fashilka ku yimid jadwalka doorashada Garbahaarey
____________________________________________________________________________


Talaado: March 29, 2022

Waxaa markale fashil uu ku yimid jadwalka uu shaaciyey guddiga doorashada Jubbaland ee ku aadanaa qabashada doorashada kuraasta Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo oo ah deegaan doorashada labaad ee maamulkaasi.

Guddiga ayaa 15-kii bishan March ku dhowaaqay in 14 cisho gudahood lagu qabanayo doorashada kuraastaasi, waqtigaas oo maanta ku eg, mana jirto illaa iyo hadda wax ka dhaqan-galay go’aankaas oo lagu wajahayo doorashada ka dhaceyo degmada Garbahaarey.

Sababta ugu weyn ayaa ah in weli halkeedii ay tahay dooda hareysay doorashada kuraastaas, taas oo u dhexeyso Jubbaland iyo maamulka Gedo oo ku xiran Villa Somalia.

Jubaland ayaa haatan ku doodeysa i magaallo xeebeedka Kismaayo ama degmada Ceelwaaq midkood lagu qabto doorashada, halka maamulka gobolka Gedo uu ku adkeysanayo in doorashada loo dhaafo, halka lagu heshiiyay oo ah Garbahaarey.

Illaa iyo hadda ma muuqdo wax isku dhowaansho ah, mana cadda xilliga rasmiga ah ee la qabanayo doorashada kuraastaas oo murankoodu soo jiitamayey tan iyo 2020-kii.

Sidoo kale caqabada ugu weyn ayaa ah xal u helista kuraasta Garbahaarey, maadaama labada dhinac aysan muujineyn wax tanaasul ah.

Arrimahan ayaa dib usii dheereyn kara dhammeystirka doorashada, walow jadwalkii u dambeeyey uu fashil ku soo dhammaaday, kaas oo dhigayey in doorashada lagu soo gabagabeeyo 15-kii bishan, waxaana kadib dhacay maamulada Jubbaland & HirShabelle.

Si kastaba, lama oga sida wax ay noqon doonaan iyo cidda adkaan doonto Axmed Madoobe iyo Villa Soomaaliya oo adeegsaneysa maamulka gobolka Gedo ee taabacsan dowladda.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post