645 Views

Jilaaga Maraykanka Jussie Smollett oo lagu helay dembi ah inuu booliiska u gudbiyay dacwad been abuur ah

Jilaaga Maraykanka Jussie Smollett oo  lagu helay dembi ah inuu booliiska u gudbiyay dacwad been abuur ah
____________________________________________________________________________


Sabti: December 11, 2021

ka dib markii uu sheegay inuu la kulmay fal cunsurimo ah.

Smollett, oo 39 sano jir ah, ayaa isbuucan maxkamadda horteeda ka qirtay inuu sameeyay weerarka been abuurka ah ee ka dhanka ah naftiisa.

Khamiistii la soo dhaafay ayaa lagu helay shan dacwadood oo ay ku jiraan kuwa la xirriira dhaqan xumo. Dambi kasta ayaa la sheegay inuu leeyahay ciqaab ilaa saddex sano oo xarig ah.

Maxkamadeyntu ayaa ka timid dhacdo ku dhawaad ​​saddex sano ka hor ah, xilligaas oo jilaaga uu booliska u gudbiyay dacwad ah inuu yahay dhibane loo geystay weerar cunsurinimo ah.

Dhacdada kiiskaan ayaa si weyn looga hadal hayay warbaahinta iyo baraha bulshadaba labadii maalin ee la soo dhaafay gaar ahaan barta twitter-ka.

 Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post