636 Views

Madaxweynaha maamulka Koofur Galbeed oo saakay ku soo wajahan Muqdisho..

Madaxweynaha maamulka Koofur Galbeed oo saakay ku soo wajahan Muqdisho..
____________________________________________________________________________

May 3-2021

Wararka ka imaanaya Garoonka Magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in goor dhawayd halkaas uu gaaray Madaxweynaha maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta Gareen, waxa uuna ku soo socdaa Muqdisho

Wararka ayaa sheegaya in Madaxweynaha maamulka Koofur Galbeed  uu saakay ku soo wajahan yahay Muqdisho oo saacadihii la soo dhaafay shirar uga socdeen Madaxda Mucaaradka Dowlada dhexe iyo Madaxda maamul Goboleedyada iyo Xubno ka socda socda dowladda Qatar.

Sidoo kale Kulanka ayaa looga hadli doono sida loo dhameyn lahaa tabashooyinka ka dhashay doorashada iyo dib u dhaca ku yimid.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post