1167 Views

Koox Burcad ah oo lagu qabtay Magaalada Muqdisho

Koox Burcad ah oo lagu qabtay Magaalada Muqdisho
____________________________________________________________________________

Mogadisho  –January 08, 2020—Kooxdaan burcadda ah oo shan maalmood ka hor dhac ka gaystay Geerash ku yaalla degmada Waabari oo in mudda ah ay ku daba jireen hay’adaha amaanka ee dawladda Soomaliya ayaa lagu guulaysatay in gacanta lagu soo dhigo.

 

Gaariga la dhacay iyo mid ka mid ah kooxaha burcadda ah ku waas dhibaato ku hayay shacabka magaalada Muqdisho ka dib hawlgal laga sameeyay degmada Kaxda ee G/Banaadir.

 

 

 

Gudoomiyaha degmada Kaxda Maxamad Yuusuf Maxamad oo la hadlay Warbaahinta Dowladda ayaa faahfaahin ka bixiyay hawlgalka ay ku soo qabteen baabuurka iyo darawalkii waday, isagoo sheegay in ninka la qabtay uu ka mid ahaa shabakad burcad oo dhac ugaysan jiray shacabka ayna ku wareejiyeen laama amaanka si baaritaano loogu sameeyo.

 

Maamulka degmada Kaxda ee G/banaadir ayaa mudooyinkaanba waday hawlgalo lagu xaqiijinaya amaanka degmadaasi.

 

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment