690 Views

Rooble oo Canbaareeyay Qaraxii Maqaaxida muqdisho ka dhacay

Rooble oo Canbaareeyay Qaraxii Maqaaxida muqdisho ka dhacay
____________________________________________________________________________

Sabti: July 3.  2021

Ra’iisul Wasaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa cambaareeyay qaraxa, wuxuuna bayaan uu soo saaray ku yiri “Waxaan cambaareynayaa qaraxii argagixisada Alshabaab galabta ka geysteen Muqdisho oo ay ku dhinteen kuna dhaawacmeen dad rayid ah oo aan waxba galabsan”.

“Falkan bahalnimada iyo arxan darrida ah waxa uu muujinayaa sida ay argagixisada uga go’antahay waxyeelleynta shacabka, taas oo waajib nooga dhigeysa in aan isu kaashanno la dagaallanka iyo ciribtirka argagixisada noo diiddan nabadda iyo dowladnimada” ayuu sii raaciyay bayaanka.

Laamaha ammaanka ayaaa weli faahfaahin rasmi ah ka bixin qaraxa galabta ka dhacay magaalada Muqdisho.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post