1152 Views

Badhaadhe Fuustada Biyaha waa $10.

Badhaadhe Fuustada Biyaha waa $10.
____________________________________________________________________________

Xaalad biyo la’aan ah ayaa ka taagan Degmada Badhaadhe ee Gobolka Jubada Hoose, biyaha laga keeno meelo ka fog Degmada ayaa la kala iibsadaa $10 (Toban Doollar) taasi waxa ay keentay in qoysas badan ay isaga barakacaan Deegaanno dhowr ah.

Yuusuf Maxamed Ibraahim, Guddoomiye ku xigeenka Badhaadhe waxa uu sheegay in sababta biyo la’aanta keentay in ay tahay arrimo dhowr ah oo is biirsaday sida roobka Guga oo aan ka da’in waqtigiisa & Abaarta saameysay Degmada sidaasna ay ku biyo yareeyeen Ceelasha.

“Waxaa sii adkaatay xaaladda nololeed ee Dadka kunool sida Raaskambooni, Manaraani, Gudhaa & Deegaannada kale ee dhaca Xeebaha, Shuban Biyood, Jadeeco iyo xannuuno kale oo dadka ka gudbay oo xoolihii ku dhacay ayaa ka jira Degmada Badhaadhe, Fuustada Biyaha waxaa lagu kala iibsadaa ilaa $10” ayuu yiri Guddoomiye ku xigeenka Badhaadhe.

Yuusuf waxa uu sheegay in Ceel biyood ay ka qodeen Deegaannada Jasiirada ah balse noqon waayeen kuwo dadka ay cabbi karaan, Qoysaska u badan Xoolo dhaqato in ay isaga hayaamaan Deegaannadooda.

“Madhabo waxa ay Hay’adda FOA geysay Warshadda biyaha sifeysa oo 24-kii saac soosaari karta ilaa 60-Fuusto oo biyo macaan ah balse muddo sanad ah ayaan ka sugeynaa Injineerkii Rakibi lahaa si dadka Deegaanka ay uga faaiideystaan” Sidaasi waxaa yiri Yuusuf Maxamed Guddoomiye ku xigeenka Degmada Badhaadhe.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post