426 Views

Madaxweynaha Tanzania Saamiya Suluxu: “ Waxaan meelaha qaar ee madaxtinimada uga fiicnahay ragga madaxweyneyaasha ah

Madaxweynaha Tanzania  Saamiya Suluxu: “ Waxaan meelaha qaar ee madaxtinimada uga fiicnahay ragga madaxweyneyaasha ah
____________________________________________________________________________


Arbaco: May 25, 2022

Madaxweynaha Tanzania, Samia Suluhu, ayaa sheegtay in meelaha qaar ee madaxtinimada ay uga fiican tahay madaxweyneyaashii ragga ahaa ee iyada ka horreeyey.

Ms Samia ayaa ka hadlaysay shir ka dhacay caasimada Ghana ee AcCra – waana booqashadeeda ugu horreysa ee Galbeedka Afrika tan iyo markii madaxtinimada dalkaas loo dhaariyey Maarso 2021.

‘’In aan dalka u maamulikaro sida ragga – ayaa ahayd caqabadda ugu weyn, “ayay tidhi intii lagu gudajiray shirkii Bangiga Horumarinta Afrika (AfDB.

Hoggaamiyaha Tanzania ayaa madasha AfDB ka sheegtay in koboca dhaqaalaha ee dalkeeda uu hoos ugu dhacay 6.4% ilaa 4% intii lagu jiray xiisadda uu Covid-ku uu sababay – balse intii ay dalkaas hoggaaminaysa uu sare ugu soo kacay 5.2% ay qorshaynayso in koboca dhaqaaluhu uu gaaro 6.7% wixii loo gaaro 2025.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post