1992 Views

Diiwaan Gelinta Musharixiinta Xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka Oo Maanta La Soo Gaba Gabeynayo

____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Arpil 24, 2018 – Guddiga qaban qaabada doorashada guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa talaadada maanta ah la filayaa in ay soo gaba gabeeyaan diiwaan gelinta musharixiinta u taagan qabashada xilka guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya.

Guddiga oo shalay bilaabay diiwaan gelinta musharixiinta ayaa waxa ay diiwaan geliyeen ilaa 5 Musharax,kuwaas oo qeyb ka noqon doona u tartamayaasha guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya.

Musharixinta shalay isdiwaan geliyey ayaa waxaa qeyb ka ahaa dad xilal ka haayey Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre balse xilkii iska casilay maadaana guddiga doorashada ay shaaciyeen in qofkii haaya xil Wasiir uu marka hore is casilo.

Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka qaranka Nuur Iidwo Beyle ayaa sheegay in Gelinka dambe ee Maanta las oo gaba gabeyn doono diiwaan gelinta musharixiinta,waxa uuna ku wargeliyey in inta ka harsan in ay isdiiwaan gelinta ay maanta soo xaadiraan.

Maalmaha Arbacada iyo Khamiista ayaa Musharixiinta waxa ay jeedin doonaan khudbadaha ay ku soo bandhigayaan waxyaabaha ay qaban doonaan hadii ay ku guuleystaan xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya,iyada oo doorashada ay dhici doonto 30 bishaan oo ku began Isniinta soo socota.

 

.

W/Q:- Bashiir Barre Ali

Xafiiska Wararaka | Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment