1044 Views

Ra’sul Wasaaraha Soomaaliya oo gaaray magaalada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo

Ra’sul Wasaaraha Soomaaliya oo  gaaray magaalada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo
____________________________________________________________________________

Sabti: July 10- 2021

 

Ra’sul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa gaaray magaalada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo, halkaas oo ay si weyn ugu soo dhaweeyeen maamulka iyo shacabka degmadaas.

Rooble ayaa saddexdii maalmood ee la soo dhaafay ku sugnaa magaalada Kismaayo ee xarunta kumeelgaarka ah ee maamulka Jubaland, halkaas oo uu wadahadallo kula lahaa madaxweynaha maamulka Jubaland Axmed Maxamed Islaan.

Ujeedada ugu weyn ee safarka Ra’isul Wasaare ee Jubaland ayaa ah sidii xal siyaasadeed looga gaari lahaa khilaafka u dhexeeya dowladda Federaalka iyo Jubaland, kaas oo la xiriira maamulka gobolka Gedo oo muddo dheer khilaaf ka taagnaa.

Safarka Ra’isul Wasaaraha ayaa sidoo kale qeyb ka ah dardargalinta hannaanka doorashada, madaama magaalooyinka Kismaayo iyo Garbaharey ay yihiin labada magaalo oo ay ka dhici doonto doorashada xubnaha labada aqal ee Baarlamaanka Federalka ee ay deegaan doorashadooodu tahay Jubaland.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa dhawaan magacaabay guddib dib u heshiisiin gobolka Gedo ah, kaas oo aysan ku jirin xubno ka soo jeeda Jubaland.

Ra’isul Wasaare Rooble ayaa intii aanu ka ambabixin magaalada Kismaayo wuxuu sheegay in uu booqasho ku tagi doono dhammaan magaalooyinka ay ka dhici doonto doorashada dadban ee Soomaaliya.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post