966 Views

Madaxweyne Farmaajo oo kulamo ka wada Addis Ababa

Madaxweyne Farmaajo oo kulamo ka wada Addis Ababa
____________________________________________________________________________

Mogadisho  –-2020—Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wada hadallo kula yeeshay Addis Ababa Ra’iisul Wasaaraha Norway Marwo Erna Solberg.

 

Kulanka ayaa labada dhinac ay uga wada hadleen xaalada dalka Soomaaliya oo dhibaatooyin kala duwan ay ka jira dalka iyo taageerada ay siiso Soomaaliya dowladda Norway.

 

”Waxaan uga mahadcelinayaa Norway kaalinta muhiimka ah ee ay ka qaadaneyso xoojinta hay’adaha dowladda iyo dib u habeynta dhaqaalaha dalka ayuu yiri” Madaxweyne Farmaajo.

 

Madaxweynaha Soomaaliya oo Addis Ababa uga qeyb galaya Shir Madaxeedka dalalka Afrika ayaa horey ula kulmay Ra’iisul Wasaaraha Canada,iyada oo la filayo in uu kulamo kala duwan la qaato Madaxda kale ee shirkaasi goobjoog ka ah.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment