132 Views

Dowladda Soomaaliya oo sheegtay inay hawada ka celisay diyaarad ku socotay Hargeysa

Dowladda Soomaaliya oo sheegtay inay hawada ka celisay diyaarad ku socotay Hargeysa
____________________________________________________________________________

MUQDISHO — Duulista Rayidka Soomaaliya ayaa sheegtay inay maanta hawada Soomaaliya ka celisay diyaarad ay leedahay shirkadda Ethiopian Airlines, oo ku socotay magaalada Hargeysa, taasi oo ay sheegtay inaysan haysan wax fasax ah.

War-saxaafadeed ay hay’adda soo saartay ayey ku sheegtay in diyaaraddaas noceedu ahaa Dash 8-Q400, halka number-ka duulimaadkeeda uu ahaa ET8372.

“Si waafaqsan shuruucda caalamiga ee hawada (Rules of the air) iyo kuwa Soomaaliya ee SOMCARs, duulimaadyadu waa inay fasax (ruqsad) ka haystaan waddamada ay hawadooda marayaan iyo kuwa ay ku dagayaan kahor inta aanay soo duulin (prior to departure),” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay hay’adda.

Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed waxay sheegtay “in aanay ogolaan doonin in diyaarad aan ruqsan haysani soo gasho dhamaan xuduudaha hawo ee wadanka, iyadoo ilaalinaysa nidaamka iyo wada shaqaynta dhaw ee kala dhexeysa dhigeeda aduunka.”

Dhinaca kale, qoraal lasoo dhigay bogga facebook ee garoonka diyaaradaha Egal ee Hargeysa ayaa lagu sheegay inay maanta garoonka ay soo cago dhigatay diyaaradda Ethiopian Airlines ee duulimeed number keedu yahay ET-372/ET-373.

Masuulyiinta Hay’ada Madaarada Somaliland oo ay VOA-du la xiriirtay si aan wax uga weydiino diyaaradda ay dowladda Soomaaliya sheegtay inay hawada ka celisay ayaa ka gaabsaday inay ka hadlaan.

Dhniac kale, ilo ka tirsan howlwadeenada madaarka Hargeysa ayaa VOA-da u sheegay in aaney jirin diyaarad nooceedu yahay Dash 8-Q400, duulimaad number keeduna yahay ET8372 oo ku sooctay Hargeysa oo ay filayeen.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post