750 Views

Hay’adda Socdaalka oo shacabka Somaliyed ku Wargalisay in la Hakinayo qaadashada iyo in la yimaado Goobaha laga qadan jiray Pasaporka Somaliga ah..

Hay’adda Socdaalka oo shacabka Somaliyed ku Wargalisay in la Hakinayo qaadashada iyo in la yimaado Goobaha laga qadan jiray Pasaporka Somaliga ah..
____________________________________________________________________________

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyaddaha Soomaaliya ayaa shaacisay goor dhawayd warbixin ku aadan Helista Pasaporka Somaliga ah.

Warqad ka soo baxday Xafiiska agaasime koofi ayaa lagu Ogeysiiyay shacabka Soomaaliyeed in laga bilaabo 3 maalin kadib la Hakin Doono qaadashada iyo in la yimaado Goobaha laga qadan jiray Pasaporka Somaliga ah. Ayada oo laga hor tagayo Khatarta Caabuqa COVID19 oo ku soo batay 10- maalin ee la soo dhaafay Somaliya gaar ahaan Muqdisho.

Wargelin.

Khatarta Caabuqa COVID19 oo sii kordheysa awgeed, Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyaddu, waxay muwaadiniinta Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan ku wargelinaysaa, in laga bilaabo maalinimada Sabtida ah, taariikhduna tahey Febaraayo 27, 2021 la hakiyey qabashada codsiyada baasaboorka ilaa wargelin danbe.

Cabdixakiin Cilmi Xasan

Nairobi

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post