735 Views

MD Farmaajo oo lagu soo dhaweeyay Magaalada Addis Ababa

MD Farmaajo oo lagu soo dhaweeyay Magaalada Addis Ababa
____________________________________________________________________________

Muqdisho|QOL|October 04, 2021—-Madaxweynaha  muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Wafdi uu hoggaminayo  ayaa gaaray magaalada Addis Ababa ee Caasimadda Itoobiya, iyada oo halkaasi siwyen loogu soo dhaweeyay.

Wafdiga Madaxweyne Farmaajo ayaa garoonka diyaaradaha Bole ee Magaalada Addis Ababa waxaa kusoo dhaweeyay Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya Marwo Burtukan, Wasiirka Maaliyadda Itoobiya & Xubno kale oo ka tirsan dowladda dalkaas.

Farmaajo ayaa kamid noqday Madaxda lagu casuumay caleema saarka Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed oo bishii June Xisbigiisa ku guuleystay doorashadii dalkaas ka dhacday.

Sidoo kale Madaxweyne Maxamed Cabdulllaahi Farmaajo ayaa inta uu ku sugan yahay Magaalada Addis Ababa waxaa uu kulan doceedyo la yeelan doonaa Madaxda kale ee ka qeyb galeysa Caleema saarka Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed.

Socdaalka Farmaajo ee Addis Ababa ayaa noqonaya kii u horreeyay oo dal dibadda ah ugu ambabaxo, tan iyo wixii ka dambeeyay 25 April qalalaasihii iyo iska hor imaadyadii ka dhacay Muqdisho ee sababay inuu ka laabto muddo kororsigii labada sannada ahaa.


Xafiiska \Qaranimo Online|Muqdisho

_____________________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post