288 Views

Gobolka Tigreega ee waqooyiga Itoobiya oo lagu garaacay duqeymo cirka ah shalay

Gobolka Tigreega ee waqooyiga Itoobiya oo  lagu garaacay duqeymo cirka ah shalay
____________________________________________________________________________

Arbaco: SEPTEMBER 14, 2022

Gobolka Tigreega ee waqooyiga Itoobiya ayaa lagu garaacay duqeymo cirka ah Talaadadii, sida ay sheegeen saraakiisha deegaanka, laba maalmood kadib markii maamulka TPLF ee halkaas ku sugan ay sheegeen in ay diyaar u yihiin xabbad-joojin.

Duqeynta la sheegay in ay ka dhacday xarunta gobolka ee Mekele ayaa waxaa ku dhaawacmay ugu yaraan hal qof, sida uu sheegay Kibrom Gebreselassie, oo ah sarkaal sare oo ka tirsan isbitaalka Ayder Referral Hospital, oo ah kan ugu weyn Tigrayga.

“Hal bukaan oo dhaawac ah ayaa soo gaaray Ayder. Wadarta khasaaraha ilaa hadda lama oga,” ayuu ku qoray Twitter-ka.

.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post