732 Views

Qarax xoogan oo ka dhacay goor dhawayd degmada Deyniile ee Gobolka Banaadir

Qarax xoogan oo ka dhacay goor dhawayd degmada Deyniile ee Gobolka Banaadir
____________________________________________________________________________

Arbaco: June 1, 2022

Qaraxa oo ahaa miinada dhulka lagu aaso sidoo kalana laga hago goobaha fogfog ayaa ka dhacay degmada Deyniile gaar ahaan halka loo yaqaano Sisi.

Qaraxa ayaa loo dhigay sida ay shegeen Goobjoogayaal aanu la hadalnay kolonyo kuwa Ciidanka ah oo halkaasi mareeysay, waxaana la sheegay in aysan waxba gaarin, Ciidamadii marayay wadada laamiga ah, lakiin ay ku dhaawacmeen ilaa 5 ruux sidoo kalana uu burbur gaarsiiyay Ilaa afar mootada nuuca loo yaqaan Bajaajta.

Sidoo kale Dadka dhaawaca ah waxaa kamid ah nabadoon magaciisa lagu sheegay Daahir sheekh xassan wardaadi, oo goobta ku sugnaa, kana mid ahaa Nabadoonda Degmada.

Wali kama aysan hadlin laamaha amaanka Degmada Deeyniile iyo kuwa gobolka banaadir Qaraxa lala eegtay Ciidamada.

.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post