2034 Views

Muwaadin Soomaaliyeed oo xalay lagu dilay Koonfur Afrika

Muwaadin Soomaaliyeed oo xalay lagu dilay Koonfur Afrika
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May 28. 2018 –ย Koox Burcad Koonfur Afrikan ah ayaa xalay fiidkii gaar ahaan xilligii afurka waxa ay weerar ku qaadeen goob ganacsi oo ay lahaayeen muwaadiniin Soomaali ah oo ku taala degaan u dhaw magaalda Pretoria ee dalka Konfur Afrika.

Muwaadiniinta la weeraray oo laba ahaa ayaa xilligaasi waxa ay ku sii jeedeen aqaladooda, waxayna waqtigaasi gaari yar ay ka raaci rabeen afaafka hore ee goobtooda ganacsi, balse inta aysan dhaqaaqin ayaa dabley madow ah rasaas ay ku furtay, halkaasi waxaa ku geeryooday Hal qof, kaasi oo lagu magacaabi jiray Khaliif Maxamed Jimcaale.

Dad goobjoogayaal ah ayaa inoo sheegay dilka kadib muwaadinka kale ee la socday ninka la dilay inuu la soo baxay qori gaariga u saarnaa, intasi kadibna burcada oo laba heyd uu mid ka toogtay, midka kalena uu dhaawacay.

Ehelada Marxuum Khaliif Maxamed Jimcaale ee ku sugan Muqdisho ayaa Idaacadda Risaala u sheegay in wiilkooda uu laba todobaad kahor Muqdisho ka baxay, kadib markii dhawaan uu guursaday, balse qadarta alle ay ku qabsatay Koonfur Afrika, iyada oo guurkiisa laga joogo waxyar.

Iidle Aadan Colaad oo ka mid ah Ganacsatada ayaa waxa uu sheegay in ganacsatada ay bilaabeen in goobahooda ganacsiga in ay ku xiraan Muraayadaha aan xabada karin si loo badbaadiyo nafta dhalinyarada ka shaqeysa halkaasi.

Alle ha u naxariistee Marxuum Khaliif ayaa waxaa lagu aasayaa Qabuuraha Muslimiinta ee Magaalada Pretoria gelinka dambe ee maanta, waxaana aaskiisa ka qeyb galaya Masuuliyiin ka tirsan safaaradda Soomaaliya ee Koonfur Afrika iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed.

Waa muwaadinkii Soomaaliyeed ugu horeeyay ee lagu dilo dalka Koonfur Afrika, tan iyo markii la guda galay bisha barakeysan ee Ramadaan, weli waxaa muuqata in ay socoto dilalka loo geysanyo dhalinyarada Soomaalida ah.

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment