1302 Views

Agaasime Kuxigeenka Warfaafinta madaxtooyada Soomaaliya oo bil kadib Warbaahinta ka soo muuqday.

Agaasime Kuxigeenka Warfaafinta madaxtooyada Soomaaliya oo bil kadib Warbaahinta ka soo muuqday.
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL July 11, 2019 —Agaasime Kuxigeenka Cusub ee Warfaafinta madaxtooyada Soomaaliya Carashiid Maxamed Xaashi ayaa galabta markii ugu horeysay ka soo muuqday Warbaahinta Villa SOmalia, isaga oo aqrinaya War Saxaafadeed ka soo baxay Villa Soomaaliya oo la xiriira warqdaaha aqoonsi ee madaxweyne Farmaajo uu ka gudoomay Safiirka cusub ee Ruushka u soo magacawday Soomaaliya Mudane Mikhail Golovanov.

 

Cabdirashiid oo ah qurbejoog ayaa xilkan ku magacwanaa mudo ku siman bil, waxa ayna ahayd markii ugu horeysay ee magaciisa lagu soo daabacay bogga Villa Soomaaliya 11-June-2019, isaga oo xilligaasi soosaaray qoraal ku saabsanaa kulanka madaxweyne Farmaajo la yeeshay Ergayga Gaarka ah ee Midowga Yurub u qaabilsan Geeska Afrika.

 

Sida ilo xog-ogaal ah ay noo sheegeen Agaasime Kuxigeenka cusub ee Warfaafinta madaxtooyada Soomaaliya Cabdirashiid Maxamed Xaashi waxa uu hore u ahaa soosaaraha muuqaallo lagu baahin jiray bogga Youtube ee leh magaca Diiwaan Films.

 

Waxa uu bedelay Cabdi Fitaax Awaare oo xilkan hayey muddo, iyada oo aan la shaacin sababta rasmiga ah ee ka danbeysa xil ka qaadista Awaare, sidaas oo kale Villa Soomaaliya ayaa Warbaahinta ka qarisay magacaabidda Agaaisme Kuxigeenkan cusub, Warar lagu daabacay baraha bulshada ayaa sheegaya in Mr. Awaare uu eersaday Sawir uu la soo galay madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe) mar uu ugu tagay magaalada Nairobi iyo qoraal uu bartiisa Facebook ku soo daabacay.

Cabdirashiid agaasime kuxigeenka Warfaafinta madaxtooyada Soomaaliya ayaa hore ugu soo bandhigay Diiwaan Films muuqaalo guulwadeyn iyo Isgadid u badan oo Cabdirashiid u soosaari jiray si uu ugu dhowaada madaxda xukuumadda Soomaaliya, waxaa kaloo Diiwaan Films horay u soo bandhigay muuqaallo lagu jaa’ifeynayey Siyaasiyiinta iyo xisbiyada  mucaaradka.

Inkasta oo aan Cabdirashiid lahayn laguna aqoon xirfad Saxaafadeed haddana waxa uu iska yeelyeelaa sida in uu yahay Suxufi isaga oo si uu halkan u soo gaaro u sameeyey wax walba oo ay suuragal tahay in uu sameeyo sida cambaareynta siyaasiyiinta mucaaradka iyo muujinta waddaniyad, xamaasad iyo xitaa in uu  heesihii Kacaanka ee Nacaybka iyo keligitalisnimada u adeegado shaqsiyaadka saluugsan xukuumadda Soomaaliya.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment