2172 Views

Madaxweyne Farmaajo oo dalacsiiyay Saraakiil badbaadiyay Dukumintiyo kadib burburkii dowladii dhexe

Madaxweyne Farmaajo oo dalacsiiyay Saraakiil badbaadiyay Dukumintiyo kadib burburkii dowladii dhexe
____________________________________________________________________________

Muqdisho , July 04, 2018 —Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa dalacsiiyay Saraakiil ka tirsan Ciidamada Booliiska Soomaaliyeed kuwaas oo badbaadiyay Dukumintiyo yaalay Xarumaha dowlada kadib burburkii dowladii dhexe ee uu hogaaminayay AUN Maxamed Siyaad Bare.
Saraakiishan oo kala ah G/ Sare Jaamac Cilmi (Timir) oo badbaadiyay kaydka Xarunta Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, G/ Sare Abshir Xaashi Cali oo gacanta ku hayay kaydka heesaha ee Radio Muqdisho iyo Dhamme Cabdi Maxamed Samatar (Cabdi Dheere) oo isna ilaaliyay dukumintiyadii muhiimka ahaa ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda waxa uu dallacsiiyay min hal darajo.
“Saddexdan sarkaal waxa ay qabteen in ay xafidaan taariikhda Soomaaliya oo ay ilaaliyaan sharafka iyo qarannimada Soomaaliyeed, xitaa in ay naftooda u huraan. Waa mahadsanyihiin, mana idin ilaawi doonno, qarankuna waa idiin abaal gudi doonaa.” Ayuu yiri Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in ay jiraan shakhsiyaad Soomaaliyeed oo naftooda u huray sidii ay u ilaalin lahaayeen taariikhda umadda Soomaaliyeed kuwaas oo mudan in mar walba la xuso si jiilka dambe ay u helaan dad ay kaga daydaan waddaniyadda iyo dal jacaylka.
Dalacsiintaan loo sameeyay Saraakiisha badbaadiyay Dukumintiyada Dowlada ayaa ka dhacday Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya oo Madaxweyne Farmaajo Xalay Casho Sharaf ugu sameeyay Guddigii Qabanqaabada Munaasabadihii 26ka Juunyo iyo 1-da Luuliyo.z1 z2 z3 z4 z5 z6

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

———————————————————————-

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment