1626 Views

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Oo Go’aan Ka Soo Saaray Mooshinkii Madaxweyne Farmaajo

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Oo Go’aan Ka Soo Saaray Mooshinkii Madaxweyne Farmaajo
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | December 12, 2018 —Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa Saddex cisho kadib waxa uu sheegay in 9kii Bishaan uu qabtay mooshin ka dhan ah Madaxweynaha Soomaaliya.

Qoraal uu soo saaray Guddoomiyaha ayaa waxa uu ku sheegay in mooshinkaas ay ku saxiixan yihiin 92 Mudane uu qabtay,isla markaana uu waafaqsan yahay sharciga,waxaana uu sheegay in la waafajin doono sida uu qabo Dastuurka dalka.

Qoraalka kasoo baxay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa kusoo aadeysa xilli weli uu taagan yahay khilaafka ka dhashay mooshinkii Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacbaka ka gudbiyeen Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment