1395 Views

SAWIRO:-Shir looga hadlayo Maqaamka Muqdisho oo furmay

SAWIRO:-Shir looga hadlayo Maqaamka Muqdisho oo furmay
____________________________________________________________________________

Mogadisho  –-2020—Kulan-howleed ku saabsan maqaamka ay caasimadda Muqdisho ku yeelanayso nidaamka federaalka ee dib-u-eegista dastuurka ayaa waxaa maanta ka furmay Magaalada Muqdisho.

Shirka ayaa waxaa furay Wasiirka Arrimaha Gudaha Abdi Mohamed Sabriye, Wasiirka Arrimaha Dastuurka Saalax Axmed Jaamac iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Filish).

Kulanka waxaa looga hadlayaa hannaanka maqaamka caasimaddu ku yeelanayso nidaamka federaalka iyadoo la soo bandhigayo noocyada jira ee ay caasimadaha dunida ee fedeaalka ku dhisanyihiin.

Geba-gabaa kulanka ayaa waxaa laga soo saari doonaa Warmurtiyeed ku saabsan sida loo wajahayo Maqaamka Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ay yeelaneyso.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment