600 Views

Xaflad maalinta qaxootiga adduunka oo lagu qabtay magaalada Minneapolis

Xaflad maalinta qaxootiga adduunka oo  lagu qabtay magaalada Minneapolis
____________________________________________________________________________

 June 21 2021 

Xaflad lagu maamuusayay maalinta qaxootiga adduunka ayaa lagu qabtay magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota, kaas oo ay ka soo qeybgaleen qeybaha kala duwan ee bulshada ku nool gobolkaas.

Xafladdan waxaa soo qaban-qaabisay hay’adda Isuroon ee u dhaq-dhaqaaqda arrimaha haweenka ee fadhigeedu yahay magaalada Minneapolis, waxaana guddoomiyaha ururkaas Fartuun Weli oo ka hadashay kulankaas ay ka sheekeysay caqabadaha iyo fursadaha ay wajahaan xaqootiga marka ay yimaadan Minnesota.

Qaar ka mid ah siyaasiyiinta laga doorto gobolka Minnesota oo ay ka mid aheyd Ilhan Cumar ayaa iyaguna qaab fogaan-arag ah ugu soo qeybgalay xafladda xuska maalinta qaxootiga caalamka, kuwaas oo ka hadlay marxaladda qaxootiga caalamka, gaar ahaan kuwa ku nool Minnesota.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post