1212 Views

Xaaji Maxamed Yaasiin “Soomaaliya waxay ku xasili kartaa in lagu dhaqo shareecada islaamka”

Xaaji Maxamed Yaasiin “Soomaaliya waxay ku xasili kartaa in lagu dhaqo shareecada islaamka”
____________________________________________________________________________

Xaaji Maxamed Yaasiin oo ka mid ah siyaasiyiinta Soomaaliyeed, aadna u taageera in Dalka Soomaaliya lagu dhaqo shareecada islaamka ayaa ka hadlay Doorashada Soo socota ee 20201.

Xaajiga oo ka mid ah Ganacsatada Soomaaliyeed ee ku Nool Kenya, goobo kala duwan oo caalamka ka mid ahna ka Ganacsada ayaa sheegay in Xiligaan Ummada Soomaaliyeed aan lagu dhaqin shareecadaa islaamka, ay tahay dhibaato soo jireen ah, waxa uuna sheegay in loo baahan yahay Dalka Soomaaliya in lagu maamulo shareecada islaamka.

Xaaji Maxamed Yaasiin waraysi uu bixiyay waxa uu sheegay in taageerida Shareecada Allah in ay tahay Libaan adduun iyo tan Aakhiro,

” Waxaan oran karaa 60 sano ayaa lagu soo hungoobay Dariiq qaldan, Dastuur aan ahayn midkii ALLE, Hoggaan habawsan, Shacbi Kooma ku jira iyo Shisheeye Damaciisa, Waxaan Oran lahaa Dalka halagu dhaqo shareecada islaamka”ayuu yiri Siyaasiga xaaji Maxamed Yaasiin oo ka mid ah siyaasiyiinta Soomaaliyeed.”

“4-sano oo dambe oo khasaara ah looma dulqaadan karo, dalkaan waxa uu ku badbaadi karaa ama Umada Soomaaliyeed ay ku heshiin karaan waa in lagu dhaqaa shareecada islaamka”ayuu mar kale Yiri xaaji Maxamed yaasiin waxa uuna sii raaciyay in 4 sano oo dambe in la kasbado Carada Alle looma dulqaadan karo,Sidoo kale xaajiga ayaa sheegay in 4 sano oo Dalka inta ka hartay la sii Xaraasho looma dulqaadan karo,4 sano oo dambe oo Nabad la’aan ah looma dulqaadan karo,4 sano oo dambe oo Midnnimo la’an ah looma dulqaadan karo.Wariye Cabdixakiin Cilmi XasanNairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post