1236 Views

SAWIRO:-Xubno ka tirsan Guddiga Doorashooyinka Qaranka & Xisbiyada oo kulmay

____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September- 29, 2019 — Kulan uu soo qaban qaabiyey xafiiska diiwaangelinta xisbiyada ee GMDQ ayaa ka qabsoomey xarunta Guddiga Madaxbannaan ee Doorashooyinka Qaranka ee Magaalada Muqdisho.

Wadatashi ku saleysnaa soo bandhigida xogtii kormeerka ee xisbiyada lagu sameeyey iyo xogta ciwaanada saxda ah ee laga heli karo xisbi walbo,habka loo maamulo miisaaniyada xisbiyada iyo dhaqdhaqaaqyada miisaaniyadeed ee uu diiwaan-gelihu uu xaqa u leeyahay.

Kulanka waxaa daah furey isla markaana ujeedada ka hadley diiwaan-geliyaha Xafiiska Xisbiyada Maxamed Axmed Cumar Heydara oo sheegay in la kulmida xisbiyada ay tahay mid lagu kobcinaayo habka Shaqo ee xisbiyada.

Dhinaca kale Agaasimaha xafiiska xisbiyada Maxamed Maxamud  Xasan ayaa sharaxaad ka bixiyey dariiqa loo maro bilowga diiwaangelinta xisbiyada iyo sharuudaha looga baahan yahay ilaa uu ka dhameestiro sharuudaha uu ku heli karo shahaadada ku meelgaarka ah ee Xisbinimo iyo nidaamka loo maro iscasilaada xisbiga uu ka mid ahaa.

Sidoo kale xisbiyada u suuragashey inay ka soo qeyb galaan kulanka wadatashiga ah gaar Ayaan Xogayeyaalka xisbiyada ayaa su’aalo weydiiyey madaxda xafiiska diiwaangelinta.

Xoghaye walboo ka socdey xisbiyada kmg ah ayaa su’aalahooda u badnaa xarumaha ay ka sameesan karaan xafiisyadooda iyo inay ku adag tahay dhaqdhaqaaq Shaqo ee ka heysata marxalada Ammni ee uu dalka maraayo.

Geba-gabadii kulanka wadatashiga waxaa Soo xeray Komiishiner Cabdiraxman Dahir Dirir ayaa kula dardaarey xisbiyada inay sharciga ilaaliyaan si ay xisbi dhameestiran u noqdaa

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment