2661 Views

Guddoomiyaha Aamin Ambulance oo ka digay in ay joojiyaan hawlahooda

Guddoomiyaha Aamin Ambulance oo ka digay in ay joojiyaan hawlahooda
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | August 8, 2018 | Soomaaliya –  Guddoomiyaha hay’adda Aamin Amblance, Dr. Cabdiqaadir Cabdiraxmaan Xaaji Aadan ayaa ka digay in hay’adda dhaqaale la’aan ay u sii wadi weyso shaqada ay bulshada u hayso.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in baahida ay bulshada u qabto Aamin Amblance oo xilliyadii ugu dambeeyay ay aad u korortay, sidoo kale gawaaridii iyo shaqaalihii ay hay’addu lahayd oo afar jibaarmay ay keentay in ay hay’addu ku adkaato bixinta dhaqaalaha ku baxaya howlaha gargaarka degdegga ee ay Aamin Amblance u hayso bulshada.

“12kii sano ee ay jirtay Aamin Amblance waxay gargaar degdeg ah u fidisay dad Soomaaliyeed oo gaaraya 31,704 qof “ ayuu yiri Dr. Cqaadir ayaa xusay in 12kaa sano ay dhaqaalaha baxayay ay ka helayeen saaxiibo iyo shirkado Soomaaliyeed oo kala duwan.

Dhinaca kale, Guddoomiyaha oo ka hadlay caqabadaha haysta ayaa sheegay in ay ugu horreeyaan in gawaarida hay’adda oo iminka gaaraya illaa 16 gaari loo helo xarun lagu xareeyo laguna dayactiro oo aan kiro ahayn.
Sidoo kale Guddoomiya ayaa sheegay in waxyaabaha ugu waaweyn ee ay tabayaan ay tahay xarun dhexe oo ay ka hawlgaan iyo tababarka shaqaalaha.

Guddoomiyaha ugu dambeyn waxa uu codsi u diray madaxda dowadda, sida Madaxweynaha iyo Raiusl Wasaaraha, Golaha wasiirrada, Guddoomiyaha Gobolka Benaadir iyo gacansatada Soomaaliyeed oo uu ugu baaqay in ay ku garab istaagan sidii ay hay’addu u sii shaqeyn lahayd.

somali-ambulance-1 somali-ambulance-2

.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment