378 Views

Deeq bixiyaasha Caalamka oo Lacago Malaayiin doolar ugu yaboohay Wadamo ay Soomaaliya ku jirto

Deeq bixiyaasha Caalamka oo Lacago Malaayiin doolar ugu yaboohay Wadamo ay Soomaaliya ku jirto
____________________________________________________________________________

Shir ay soo  qaban qaabisay Qaramada Midoobay, ayaa dalalka Deeq bixiyaasha waxa ay  ku yabooheen  lacag gaaraysa illaa $2.4 bilyan oo dollar oo loogu talo galay badbaadada nolosha iyo weliba taageerida hab nololeedka, illaa 32 milyan oo qof oo ku kala nool dalalka Soomaaliya ,Kenya iyo Ethiopia

Qoraal ka baxay Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in ‘ka dib dedaal wada jira oo ay sameeyeen, bulshada maxalliga ah, ururada samafalka, qaadhaan bixiyayaasha iyo masuuliyiinta deegaanada ay abaaruhu ka dhaceen, in lagu guulaystay in laga hortago, in abaarihii jiray ay isu bedelaan, xaalad macaluul ah.’

Warbixinta ay soo saartay Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay ‘in abaarahan daran ay uga sii dareen, ka dib markii la waayey roobabkii la filayey, muddo shan xilli roobaad ah. In ka badan 30 milyan oo qof oo ku kala nool Ethiopia, Soomaaliya iyo Kenya ayaa taageero loo fidiyey.’

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in xaaladaha degdeg ah ee jira awgood, in weli loo baahan yahay kaalmo kale oo degdeg ah, si looga hortago in xaaladdu ay dib ugu noqoto meel xun.

Lacagahan ayaa lagu yaboohay, kulan ballaadhan oo ka dhacay magaalada New York, kaas oo ay si wada-jira u qabteen, Qaramada Midoobay, Talyaaniga, Qatar, Ingiriiska iyo Maraykanku, waxaana iskaashi lagala sameeyey dawladaha Ethiopia, Kenya iyo Soomaaliya.

‘Dhinacyada ka shaqeeya gargaarka bini’aadanimo waxay u baahan yihiin illaa $7 bilyan oo dollar oo wax lagaga qabto xaaladaha bini’aadanimo, isla markaana lagaga jawaabo abaaraha iyo deegaanada ay saameeyeen colaadaha ka jira gobolka, sannadkan 2023’ ayaa lagu sheegay bayaanka ka soo baxay Qaramada Midoobay.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post