663 Views

Mohamed Bin Salman ‘oo xiriirka Israel la sugaya Madaxweyne Joe Biden

Mohamed Bin Salman ‘oo xiriirka Israel la sugaya Madaxweyne  Joe Biden
____________________________________________________________________________

Dhaxal Sugaha Sacuudiga Mohamed bin Salman ayaa la sugaya inta uu maamulka Joe Biden xilka kala wareego kan Trump, si uu xiriir rasmi ah ula yeesho Israel, waxaa sidaas weriyey Reuters iyo Wall Street Journal.

“Caadiyeynta xiriirka waa soo jiidasho diiradda Biden looga weecinayo arrimaha kale ee Sacuudiga, gaar ahaan xuquuqda aadanaha,” waxaa sidaas yiri diblomaasi la hadlay Reuters.

Bin Salman ayaa lagu warramay inuu diyaar u ahaa inuu xiriir la yeesho Israel hase yeeshee qorshahaas uu beddelay kadib markii uu Biden ku guuleystay doorashada Mareykanka, si uusan u lumin fursad uu u adeegsan karo inuu ku dhowaansho uga sameysto maamulka Trump.

Mohamed bin Salman ayaa aad ugu dhowaa maamulka Trump, hase yeeshee waxaa la filayaa inuu xukunka ka tago 20-ka Janaayo.

Dhinaca kale, Reuters waxa ay werisay in kulankii uu Axaddii hore Mohamed bin Salman la yeeshay ra’iisul wasaraaha Israel Benjamin Netanyahu laga qariyey boqorka dalkaas islamarkaana ah aabihiis Salman bin Abdulaziz.

Kulankaas oo ka dhacay Jeddah ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa xogahayaha arrimaha dibedda Mareykanka Mike Pompeo oo Sacuudiga ku qal-qaalinaya inay qaado tallaabo la mid ah kuwa Imaaraadka Carabta, Bahrain iyo Sudan, oo dhammaantood xiriir rasmi ah la yeeshay Israel.

Si kastaba, warbixinta ayaa intaas ku dartay in laga yaabo in xiriir dhex-mara Sacuudiga iyo Israel uusan dhicin inta uu nool yahay boqorka.

Warar ka dayrinaya xaaladda caafimaad ee boqorka ayaa sare u kacay xagaagii tegay kadib markii boqorka isbital la dhigay islamarkaana qalliin looga saaray xameytida.

REUTERS

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post