1035 Views

Masuuliyiinta Ruushka oo qaaday tallaabooyin dheeraad ah oo ay xannuunka coronavirus uga ilaalinayaan Madaxweyne Vladimir Putin

Masuuliyiinta Ruushka oo qaaday tallaabooyin dheeraad ah oo ay xannuunka coronavirus  uga ilaalinayaan Madaxweyne Vladimir Putin
____________________________________________________________________________

Aprik 8/4/2021

Markii uu billaabanayay xannuunka coronavirus, masuuliyiinta Ruushka ayaa qaaday tallaabooyin dheeraad ah oo ay xannuunka uga ilaalinayaan madaxweyne Vladimir Putin. Haddaba sidee buu Aqalka Kremlin-ka u karantiilaa dadka la kulma madaxweynaha?

Tan iyo sanadkii la soo dhaafay boqolaal qof ayaa la karantiilay ka hor inta aysan la kulmin Putin. Dadka qaar ayaa is kali yeelay xitaa haddii aysan la kulmeynin madaxweynaha maadama ay la kulmayeen dad toos ula kulmay madaxweynaha.

Bishii March 2020-kii, madaxweyne Putin ayaa khudbad uu jeediyay shaaca uga qaaday in wixii ka billowda bisha April 2020-kii la billaabi doono isbuuc aysan shaqo jirin iyadoo markaasi uu fayraska si xowli ah ugu fidayay Ruushka. Dukaamda qaaar ayaa la xiray, waxaana la mamnuucay kullamada. Dad badan ayaa billaabay inay guryahooda ka shaqeeyaan.

Ilaa iyo lixdan xubnood oo ka mid ah shaqaalaha diyaaradda uu raaca madaxweynaha ayaa markii ugu horreysay lagu karantiilay 26-kii March hoteel aan sidaa uga fogeyn Moscow

Wixii intaa ka dambeeyay boqolaal duuliyayaal, dhakhatiir, darawallo, iyo dad kale oo booqanayay madaxweynaha ama la kulmyayay ayaa lagu karantiilay hoteella kala duwan si madaxweynaha Ruushka looga ilaaliyo inuu ku dhaca xannuunka Covid19.

Dhawaan, waxaa la soo wariyay in madaxweynaha Ruushka uu qaatay talaalka lagu sameeyay dalka Ruushka. Balse iyadoo sidaasi ay tahay wali karantiilka dadka la kulmaya madaxweynaha way sii socotaa, waxyna u muuqataa in wali la sii wadi doonaa ilaa iyo sanadka soo socdo.

BBC laanteeda Ruushka ayaa ku qiyaastay in madaxweynaha xafiiskiisa loo qoondeeyay $84 milyan si looga ilaaliyo madaxweynaha fayraska Korona.

Ilaa iyo 12 hoteel ayaa loo isticmaalayaa karantiilka shakhsiyaadka la kulma madaxweynaha. Waxay ku yaalaan caasimadda Moscow iyo deegaannada u dhaw. Dhammaan hoteellada waxaa iska leh dowladda. Qaarkood waxaaba la sii kireeyay ilaa iyo March 2022.

Shaqaalaha diyaaradda madaxweynaha ayaa inta badan isticmaala hoteeladan. Shaqaalahan ayaa u adeega madaxweynaha, ra’iisal wasaaraha iyo sideed ka mid ah golihiisa wasiirada.

BBC-da ayaa ogaatay in madaxweyne Putin uu wakhtigiisa ugu badan sanadkii la soo dhaafay ku qaatay magaallada uu aadka u jecel yahay ee Sochi.

Sanadguurada 75-aad ee guushii dagaalkii Labaad ee Adduunka waa dabbaaldeg aad ugu weyn dalka Ruushka iyo gaar ahaan doorkii uu Ruushka ku lahaa guuldarradii ku dhacday Naasiyiinta. Dabbaal degga waxay ahayd in la qabto 9-ka May 2020-ka balse waxaa loo raray 24 June 2020-kii. Dad aan badneyn ayaa ka soo qeybgalay.

Bloomberg ayaa ku warantay in 200 oo qof oo ka qeybgalay xafladda ay muddo 2 isbuuc ah ku jireen karantiil ka hor inta aysan ka qeybgelin.

Afhayeen u hadlay madaxweyne Putin Dmitry Peskov ayaa xaqiijiyay inuu jiray karantiilkaasi oo ku tilmaamay mid taxadar dartii loo sameeyay.

Wakaaladaha wararka ee Ruushka ee TASS iyo RIA-Novosti ayaa daabacay warar sheegaya in weriyayaal la safray madaxweynaha ay muddo 2 isbuuc ah ku jireen karantiil.

Inta ay ku jireen karantiilka, looma oggolaanin inay cabbaan khamrada, cuntadana waxaa loo dhigayay dibedda.

Waxaa sidoo kale jiray warar kale oo sheegayay saraakiil ka tirsan maamullada gobollada dalkaasi oo karantiil la geliyay muddo 2 isbuuc ka hor inta aysan la kulmin madaxweynaha oo gobolkoda booqanaya.

Office Nairobi

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post