675 Views

Raghad Xuseen: Waa tuma Gabadha Saadaam Xuseen ee Carabta la hor timid sawirkii aabeheed?

Raghad Xuseen: Waa tuma Gabadha Saadaam Xuseen ee Carabta la hor timid sawirkii aabeheed?
____________________________________________________________________________

Isniin: January 3, 2022

 15 sano kaddib geeridii madaxweynihii hore ee dalka Ciraaq, Saadaam Xuseen – oo la daldalay 30-kii bishii December ee sanadkii 2006 – gabadhiisa Raqad ayaa baaq u jeedisay dadka Carabta ah.

Raqad Saadaam Xuseen, oo ugu weyneyd gabadha uu dhalay hoggaamiyihii Ciraaq ayaa ka codsatay bulshada Carbeed inay midoobaan ayna door ka qaataan sidii isbaddal loogu sameyn lahaa dunida Carabta.

Iyadoo hor fadhisa sawir kaSaadaam Xuseen oo weyn, una muuqatay inay u adeegsaneyso xasuusin ahaan, ayay Raqad ka dalbatay muwaadiniinta Ciraaq inay iska illoobaan cadaawadda ka dhaxeysa ayna midoobaan.

“Ka tag cuqdadda iyo waxyaabaha aad gocaneyso, qof walbana ha cafiyo qofka kale,” ayay tiri Raqad Xuseen.

Khudbaddeeda hadal heynta dhalisay ayay Raqad sidoo kale uga hadashay colaadda ka jirta meelo ka mid ah dalalka Carabta iyo khilaafka u kala dhaxeeya.

“Ciraaq waa in aysan la safanin mid ka mid ah garabyada Carabta. Waxaan idinka codsanayaa inaad hilmaantaan farqiyada idiin dhaxeeya. Waxaan Ciraaq wax u tari karnaa kaliya marka aan mideysan nahay,” ayay ku tiri farriinteeda oo ahayd muuqaal loogu talogalay sanad guurada kasoo wareegtay geerida aabeheed.

Dhanka kale, waxay ku baaqday in aan laga harin dadkii mas’uulka ka ahaa khasaarihii dhimasho ee Ciraaq ka dhacay xilligii uu kacdoonka socday bishii October. Waxa ay markaas ka hadleysay ciidamada ammaanka Ciraaq ama xoogagga taageerada ka heysta dowladda Iiraan ee rasaasta ku furay mudaharaadeyaasha.

Raqad Xuseen meesha kama aysan saarin inay daneyneyso ku biiritaanka siyaasadda Ciraaq ee mustaqbalka.

Waa tuma Raqad Saadaam Xuseen?

Raqad Xuseen waxay curad u tahay gabdhaha uu dhalay madaxweynihii hore ee Ciraaq, Saadaam Xuseen. Waxaa la guursaday iyadoo yar oo dhiganeysa iskuulka.

Xilligaas waxa ay da’deedu ahayd 15 sano. Waqtiga uu arooskeeda dhacayay waxaa socday dagaalkii u dhaxeeyay Ciraaq iyo Iiraan.

Bishii February ee sanadkii 1996-kii, oo ay ahayd 25 jir, ayaa Raqad la furay kaddib markii sida la sheegay in arrintaas go’aamiyeen qoyskeeda.

Ninkeeda oo lagu magacaabi jiray Xuseen Camel waxaa la dilay labo maalmood kaddib markii uu furriinka dhacay.

Raqad seygeeda, Xuseen Camel al-Majid, waxa uu ahaa ina-adeerka Saadaam Xuseen. Xilliga uu gabadha guursanayay waxa uu ka mid ahaa ilaalada khaaska ah ee Saadaam Xuseen.

Gabadha labaad ee Saadaam, Rana Xuseen, waxaa sidoo kale iyadana guursaday Xuseen Camel walaalkiis oo lagu magacaabi jiray Saddam Camel al-Majid.

Qiso aad u xanuun badan ayaa ku gedaaman guurka gabdhahan, furriinkooda iyo geerida labadii nin ee ay mar xaasaska u ahaayeen.

Sanadkii 2018-kii, Raqad Saadaam Xuseen magaceeda waxa uu ku jiray liiska dadka ay sida weyn u raadineysay dowladda Ciraaq.

Wareysigii hadal-heynta dhaliyay

Arrimo dhowr ah ayay Raqda uga hadashay wareysi hadal-heyn badan abuuray oo ay bishii February ee sanadkii 2021-kii siisay telefishinka Al-Carabiya ee laga leeyahay Sacuudiga.

Waxyaabihii ay ka hadashay waxaa ka mid ahaa nolosheeda gaarka ah. Waxaa la weydiiyay in guurkeedii uu ahaa mid lagu khasbay mise mis iyada ay go’aankiisa lahayd.

Iyadoo jawaab ka bixineysa su’aashaas ayay tiri: “Aabehey guur kuma uusan khasbin hal qof oo ka mid ah ilmihiisa. Wuxuu na siiyay xornimo buuxda. Xilligaas dhowr iyo toban jir baan ahaa. Waxay ahayd galab qorraxdu kulushahay. Aabehey ayaa albaabka iisoo garaacay, qolkeyga ayuuna soo galay.

“Hurdo indho gaduudki ah baan qaadanayay, si naxariis leh ayuuna ii kiciyay. Wuxuu ku fariistay sariirteyda dhinaceeda. Wuxuu i weydiiyay, ‘ma jiraa nin aad guur ka damacsan tahay? Kaddibna wuxuu iisoo bandhigay ninka uu ila rabo, go’aankana aniga ayaa lahaa.”

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post