306 Views

Ukraine oo heshay gantaalada riddada dheer ee Faransiiska

Ukraine oo heshay gantaalada riddada dheer ee Faransiiska
____________________________________________________________________________

Arbaco: November 30, 2022

Difaaca Ukraine ayaa lagu xoojiyey gantaallada riddada dheer ee Faransiiska, sida ay ku warrantay Wasaaradda Difaaca ee Ukraine.

-Ciidanka Ukraine hadda waa ka sii xoog badan yihiin, ayuu ku soo qoray Twitter-ka Wasiirka Difaaca Ukraine Oleksiy Reznikov.

Gantaalkan cusub ee nooca LRU-da ayaa gaaraya ilaa 70 kiilo mitir.

Ukrain ayaa dhawaan awood u yeelatay in ay si fiican u garaacdo saldhigyada Ruushka ee goobaha uu Ruushku maamulo, iyaga oo adeegsanaya gantaallo riddo dheer kana badan kuwa ay iyagu leeyihiin.

Ukraine ayaa codsatay in la soo gaarsiiyo gantaalada riddada dheer si ay u ilaaliso horumarka dhulka ee dagaalka, iyo sidoo kale nidaamyada difaaca hawada si ay isaga difaacdo weerarada gantaalada Ruushka.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post