957 Views

Cabdiraxmaan C/Shakuur oo sheegay inay is difaacayaan

Cabdiraxmaan C/Shakuur oo sheegay inay is difaacayaan
____________________________________________________________________________

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur kana mid ah Midowga Musharixiinta ayaa sheegay in xalay Ciidamo farabadan oo ka tirsan dowladda ay soo weerareen Hoyga uu Muqdisho ka degan yahay ee ku yaal agagaarka Madaxtooyadii hore ee Cabdiqaasim.

Waxaa uu sheegay inay iska difaaceen Ciidamada dowladda oo watay Gaadiidka dabaabaadka dowladda Turkiga ay ugu deeqday Soomaaliya, isla markaana amarka weerarka uu bixiyay Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Sidoo kale Cabdiraxmaan C/Shakuur oo la hadlay BBC-da waxaa uu sheegay in marnaba muddo kororsi aysan ka aqbaleyn Farmaajo, isla markaana si adag ay isaga difaaci doonaan weerar kasta oo kaga yimaada dhinaca dowladda.

Hadalka Siyaasiga Cabdiraxmaan C/Shakuur ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli shalay ilaa xalay dagaalo goos goos ah ay ka dhaceen qeybo badan oo kamid ah Magaalada  Caasimadda ah ee Muqdisho.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post