315 Views

Qof Rakaab ah oo ku dhex dhintay diyaarad ay leedahay Kenya Airways oo ka soo kicitintay New York kuna socotay magaalada Nairobi.

Qof Rakaab ah oo  ku dhex dhintay diyaarad ay leedahay Kenya Airways oo ka soo kicitintay New York kuna socotay magaalada Nairobi.
____________________________________________________________________________

Arbaco: AUGUST 24, 2022

Qof Rakaab ah ayaa ku dhex dhintay diyaarad ay leedahay Kenya Airways oo ka soo kicitintay New York kuna socotay magaalada Nairobi.

Bayaan ka soo baxay shirkadda diyaaradaha Kenya Air Ways waxaa lagu sheegay qofka rakaabka ahi diyaaradda oo hawada ku jirta marki uu xanuunsaday in diyaaradda loo weeciyey magaalada Casablanca ee dalka Morocco.

Rakaabka ayaa diyaaradda laga soo dejiyey isaga oo meyd ah xilli la damacsanaa in isbitaal loola cararo.

Xirfadlayaasha caafimaadka ee garoonka heeganka ku ahaa waxay sheegeen inuu qofka Rakaabka ah uu meyd yahay oo mar hore uu geeriyooday.

Warbahinta maxalliga ee Kenya waxay sheegeen qofka geeriyooday inuu naqaska uu aad u dhibayey ka hor inta ay naftu ka bixin.

Qoyska qofka rakaabka ee geeriyoodayna waxay sheegeen iney haysatay xaalad caafimaad darro.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post