1017 Views

Jubbaland Ganacsatadda uga digtay in ay faa’iido ka raadinayaan saameynta COVID-19

Jubbaland Ganacsatadda uga digtay in ay faa’iido ka raadinayaan saameynta COVID-19
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | April 11, 2020 –Wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha Jubbaland ayaa ganacsatada Jubbaland uga digay in aysan kordhinin qiimaha badeecadaha ay iibiyaan iyaga oo ka faaiidaysanaya xaaladda uu keenay caabuqqa COCID-19.

 

Jubbaland ayaa sheegtay aysan aqbali doonin in Ganacsatadda ay  faa’iido ka raadinayan saameynta cudurkaasi.

 

 

Jubbaland waxa ay sheegtay  in ay tallaabo sharci ah ka qaadi doonto Ganacsatada qaaliyeeyay Maceeshada si ay uga faa’idaystaan werwerka Cudurka Corona Virus awgii.

 

Waxa ay xustay in maamulka  ay diyaar garow ugu jirto ka hor-tagga saameynta dhaqaale ee uu cudurka Caronavirus keeni karo, isaggoo Ganacsatada ugu baaqay inay waajib iska saaraan daryeelka Bulshadda.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment