1026 Views

Kenya oo Amar cusub kusoo rogtay Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee aada Nairobi

Kenya oo Amar cusub kusoo rogtay Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee aada Nairobi
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Ogoosto 31, 2019 –Xilli Muwaadiniinta Soomaaliyeed ay ku qabaan dhibaatooyin waa weyn marista Magaalada Wajeer oo lagu baaro, islamarkaana laga siiyo Viisaha dal ku galka dalka Kenya intooda wata Baasaboorka diblomaasiga ayaa dowladda Kenya haddana waxa ay shaacisay  Amar cusub.

 

Dowladda Kenya waxa ay ku dhawaaqday in guud ahaan la joojin doono Viisihii laga qaadan jiray Magaalada Wajeer, taas badalkeena baaris lagu sameyn doono Magaalada Wajeer oo ay hakan doonto Diyaarada ka baxda Muqdisho.

 

 

 

Warqad kasoo baxday Waaxda socdaalka dalka ayaa lagu caddeeyay in Viisaha dal ku galka laga qaadan doono Magaalada Nairobi Garoonka Jummo Kenyatta, islamarkaana baaritaano Amni oo xooggan lagu soo marsiin doono Muwaadiniinta Soomaaliyeed Wajeer.

 

Amarkaan ayaa si gaar ah u sameyn doona dadka haysta Baasaboorka Diblumaasiga ee Soomaaliya.

 

Dadka Soomaaliyeed ee aadaya Kenya ayaa la kulmaya Caddaadis weyn iyo Waqti lumis ka badan kii ay horay ula kulmi jireen.

 

War ka soo baxay bishii May dowladda Kenya ayaa lagu sheegay in dhamaan diyaaradaha ka soo duula Soomaaliya ay soo mari doonaan Magaalada wajeer.

 

Sanad ka hor ayaa ay ahayd Markii dowladda Kenya ka qaaday xayiraada diyaaradaha ka soo duula muqadisho iyada oo loo ogolaaday in ay si toos ah uga soo duulaan magaalada muqadishu kana degaan garoonka JKIA.

 

Dowladda Kenya ayaa xoojisay Caddaadiska ay ku heyso Soomaaliya tan iyo markii uu xoogeystay Muranka dhanka badda ah ee ka dhex taagan labadda dal.

 

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment