750 Views

Maxkamadda ciidamada Qalabka oo 100 maalin kadib bilaawday dhagaysida dacwada Dilkii Guddoomiyihii degmada Hodan

Maxkamadda ciidamada Qalabka oo 100 maalin kadib bilaawday dhagaysida dacwada Dilkii Guddoomiyihii degmada Hodan
____________________________________________________________________________

April 24-2021
Waxaa saakay magaalada Muqdisho ka bilawday dhagaysiga Dacwada dilkii guddoomiyihii degmada Hodan, Waxayna Maxkamadda ciidamada Qalabka dhagaysanaysaa Ragii ku ku eedeysan dilkii guddoomiyihii degmada Hodan ee magaaladda Muqdisho Cabdixakiim Dhagajuun oo bishii Janaayo xilli habeen ah lagu dilay degmada Howlwadaag.

Wararka ayaa sheegaya in Markii ay bilaabatay dhagaysiga Dacwada ay soo xaadireen ehelada marxuum Cabdixakiim Dhagajuun, waxayna Saxaafada u sheegeen inay rajeynayaa in kiiskan uu caddaalad ku soo idlaado.

Dowladda Soomaaliya ayaa hore u sheegtay in ciidanka booliska ay masuul ka ahaayeen dilka guddoomiyihii degmada Hodan.

Sidoo kale Ciidanka u eedeysan kiiskan oo gaaraya ilaa sagaal askari waxaa ka mid ah taliyihii saldhigga booliska degmada howlwadaag Shuceyb Cabdulqaadir.

Xeer Ilaaliyaha guud ee Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida Jeneraal Cabdullaahi Buulle Kameey ayaa hore u sheegay in dilkii loo geystay Allaha u naxariistee Cabdixakiin Dhaga-juun uu ahaa mid dhacay si kula kac ah, ayna ku ogaadeen baarista la sameeyay.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post