972 Views

4 kun oo ruux oo 24 kii saac xanuunka Karoona ugu geeriyootay dalka Hindiya

4 kun oo ruux oo 24 kii saac  xanuunka Karoona ugu geeriyootay dalka Hindiya
____________________________________________________________________________

May 19 2021

Ku dhawaad  4 kun oo ruux ayaa 24,kii saac ee lasoo dhaafay xanuunka Karoona ugu geeriyootay dalka Hindiya waxaana sidoo kale aad u kordhay tirada dadka uu soo ridanayo xanuunkaan gudaha Hindiya.

Wasaaradda caafimaadka dalka Hindiya ayaa sheegtay in tan shalay xanuunka Karoona uu ku dhacay dad ka badan 267,kun oo qof halka ay maalin kaliya u geeriyoodeen 4,529 ruux.

R/wasaaraha Hindiya Narendar Modi ayaa amray in hawlwadeenada caafimaadku qaadaan tilaabooyin deg deg ah oo xanuunkaan lagu xakamaynayo.

Si guud Hindiya xanuunkaan Covid-19 waxaa qaaday in ka badan 25 million oo qof waana dalka labaad ee dadkiisu xanuunkaan u geeriyoodeen adduunka oo dhan waxaana ka horeeya Maraykanka oo kaliya

.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post