1536 Views

Nin BBC-da uga warramay sida uu u argagaxay kaddib markii uu yimid gurigiisa oo laga qaatay wax walba oo yaallay

Nin BBC-da uga warramay sida uu u argagaxay kaddib markii uu yimid gurigiisa oo laga qaatay wax walba oo yaallay
____________________________________________________________________________

 Isniin: November 1, 2021

Nin ayaa BBC-da uga warramay sida uu u argagaxay kaddib markii uu yimid gurigiisa oo laga qaatay wax walba oo yaallay kaddib markii la iibiyay isagoo aan ka warqabin.

Dad dariskiisa ah ayaa soo wargaliyay Mike Hall islamarkiina wuxuu soo qaatay gaari si uu u eego gurigiisa ku yaalla magaalada Luton ee dalka Ingiriisa, laakiin waxa uu u yimid meeshii oo ay howl ka wadaan shaqaalaha dhismaha guryaha.

Intaas waxaaba sii dheereyd inuu ugu yimid qof milkiile ah oo gurigiisii si sharciyeysan u leh, kaasoo sheegay inuu iibsaday.

Baaritaan ay arrintan ku sameysay BBC-da ayaa lagu ogaaday in Mike Hall la xaday aqoonsigiisa shakhsiyeed si loogu isticmaalo iibinta gurigiisa.

Ciidanka Booliska ayaa markii hore u sheegay Mike Hall in arrintan aysan ahayn khiyaano balse waxay hadda wadaan baaritaan ku aaddan sida ay wax u dhaceen.

Mr Hall, oo ka maqnaa gurigiisa, maadaama uu ka shaqeynayay waqooyiga Wales, ayaa sheegay in 20-kii bishii August ay soo waceen dad dariskiisa ah, iyagoo u sheegaya in qof uu joogay gurigiisa, dhammaan nalalkana ay u shidnaayeen.

Subaxdii xigtayba gaari ayuu soo qaatay, meeshii ayuuna yimid.

“Waxaan tagay albaabka hore, waxaan ku eegay furaheyga laakiin kuma uusan shaqeynin, nin ayaa iga furay albaabkii hore,” ayuu ku yiri wareysi uu siiyay barnaamij ka baxa BBC Radio 4.

“Dhinac ayaan isaga riixay, gudaha ayaana sii galay. Runtii ma aanan garaneynin sababta uu halkaas u joogay.

“Waxaan aad uga argagaxay markii aan arkay gurigii oo alaabti dhan laga qaaday, sida alaabtii fadhiga iyo jiifka, rooggii, daahyadii iyo wax walba.”

Ninka ayaa sheegay inuu shaqo dhisme ah ka waday guriga, balse Mr Hall ayaa ugu jawaabay: “Ma aanan iibinin guriga. Kani wali waa hantideyda.”

Mr Hall waxa uu islamarkiiba wacay booliska, balse ninkii dhismaha sameynayay wuu baxay waxa uuna la yimid milkiilaha aabihiis, oo markii uu yimid sheegay inuu guriga iibsaday bishii July, isagoo intaasna ku daray: “Hadda waa hantideyda. Si xadgudub ah ayaad ku joogtaa gurigeyga, u bax bannaanka.”

‘Arrin shacab’

Mr Hall ayaa yiri: “Kaddib waxaan isku daynay inaan online-ka ka fiirinno warqadaha diiwaangalinta dhulka si aan u fiirinno magacyada ku qoran… kaddibna waxaan aragnay in laga soo billaabo 4-tii bishii August uu ku qoran yahay magaca ninkan.

“Habeenkaasna boolisku waxa ay sheegeen in aysan wax dheeri ah ka qaban karin arrinta. Waxay dhaheen, ‘arrintan waa arrin shacab’ waa inaad ka tagto guriga oo aad la xiriirto qareennadaada kuu qaabilsan dhinaca sharciga.'”

Markaas kaddib waxa uu isku dayay inuu booliska kula xiriiro qaab online ah balse isla jawaabtii mid la mid ah ayaa la siiyay.

“Waan naxay – markii aan arkay meesha aan guriga ka taaganahay, waan argagaxay – waxaaba taas iiga yaab badneyd oo aan rumeysan waayay in boolisku ay aamini waayeen in meesha uu ka dhacay dambi,” ayuu yiri.

BBC-da ayaa Mr Hall arrintiisa ku wareejisay laanta booliska u qaabilsan dambiyada la xiriira wax isdaba marinta, taasoo hadda billowday baaritaanno.

Haweeney afhayeen ah ayaa sheegtay in ilaa hadda aan cidna loo soo xirirn kiiskan.

BBC-da ayaa aragtay dhammaan dukumiintiyada loo adeegsaday falka lagula wareegay hantida Mr Hall.

‘Waan wada shaqeyn doonnaa’

Markii uu qofka sida xatooyada ah ula wareegay magaca Mr Hall guriga uga iibiyay dadkan oo uu ka qaatay lacag dhan £131,000, iyaga ayaa si sharci ah u yeeshay.

Qareennadii ku lugta lahaa kala iibinta guriga ayaa sheegay in booliska ay kiiskan gacanta ku hayaan, haddana aysan ka hadli karin.

“Waan sii wadi doonnaa inaan la shaqeyno booliska, aana gudanno waajibaadkeenna shaqo,” ayay tiri shirkadda qareennada, taasoo BBC-da ay go’aansatay in aysan magaceeda shaacinin.

Laanta diiwaangelinta dhulalka ee dowladda ayaa sanadkii lasoo dhaafay bixisay lacag magdhow ah oo gaareysay £3.5m oo la siiyay dad si khiyaano ah looga dhacay hantidooda.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post