813 Views

Wasiirki hore ee Arimaha Dibadda oo ku tilmaamay doorashada socota– “Afduubasho ma ahan ee waa AFDUUB Abuuri kara Khalalaaso

Wasiirki hore ee Arimaha Dibadda oo ku tilmaamay doorashada socota– “Afduubasho ma ahan ee waa AFDUUB Abuuri kara Khalalaaso
____________________________________________________________________________


isniin: December 6, 2021

Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya Mudane Yuusuf Garaad Cumar oo haatan ah ergayga gaarka ah ee Geeska Afrika, Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed ayaa soo saaray qoraal xasaasi ah oo ku aadan doorashooyinka 2021-ka ee haatan ka socda dalka.

Yuusuf Garaad ayaa tusaale cajiib ah ka bixiyey doorashada, isaga ku cabiray erayo kooban oo uu tilmaam uga bixiyey ergada wejiyadooda qarisay iyo ‘boobka’ doorashada socota ee Golaha Shacabka.

 “Afduubasho ma aha ee waa afduub. Waa la afduubay ee lama afduuban,” ayuu yiri siyaasiga caanka ah ee Yuusuf Garaad Cumar.

Qoraalkan ayaa dhaliyey hadal heyn xoogan, waxaana ka falceliyey dad fara badan oo qaarkood su’aallo ka keenay hadalka wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya.

Sidoo kale Yuusuf Garaad ayaa markale fasiraad ka bixiyey qoraalkiisa, isaga oo la wadaagay dadweynaha ku xeran boggiisa gaarka ah ee Facebook-ga.

“In dan loo afduubtay iyo in duul kale loo afduubay waa sababta afduubka, laakiin falka dhacay waa afduub. Markaa waa la afduubay,” ayuu ku yiri sharaxaaddiisa.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyadoo dood xoogan ay hadda ka taagan tahay sida ay ku bilaabatay doorashada Golaha Shacabka oo ay qaadaceen musharixiinta mucaaradka.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa ku daahday xaaladda kala guurka ah ee ka dhalatay doorashooyinka 2021 oo aad uga dib dhacday waqtigii loo qorsheeyey in la qabto.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post