693 Views

Labo ilmo adeerro ah oo dagaal qaraar kaddib midba kan kale gacanta ka gooyay

Labo ilmo adeerro ah oo dagaal qaraar kaddib midba kan kale gacanta ka gooyay
____________________________________________________________________________

Arbaco: November 10, 2021

Booliiska Nigeria ayaa sheegay inay baarayaan dhacdo dhif ah oo horseedday in labo nin oo ilmo adeerro ah uu midba kan kale gacanta ka jaray, kaddib dagaal qaraar oo dhex maray.

Waxay ka dhacday xaafadda Alkali ee gobolka waqooyi-bari dalkaas ku yaalla ee Yobe.

Afhayeenka booliiska gobolkaas, Dungus Abdulkarim, ayaa BBC-da u sheegay in labada nin ee dhalinyarada ah ay siteen masaar midba kan kale uu gacanta uga gooyay.

Labada nin ayaaa da’doodu ay tahay 25.

Weli ma cadda waxa dhaliyay dagaalka balse booliiska ayaa sheegay inay la xiriirto beero.

Maamulka gobolka ayaa gacmaha ay raggaas iska jareen geeyay isbitaalka.

Labada ilmo adeer oo xaalad khatar ah ku jira ayaa lagula tacaalayaa isbitaalka.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post