606 Views

Iska horimaad gacanka Cumaan ku dhexmaray Ciidamada Badda Maraykanka iyo Kuwa Iran

Iska horimaad gacanka Cumaan ku dhexmaray Ciidamada Badda Maraykanka iyo Kuwa Iran
____________________________________________________________________________

khamiis: November 4, 2021

Dowladda Iiraan ayaa maanta oo Arbaca ah sheegtay in ciidamadooda ay fashiliyeen isku day Maraykanka ku damacsanaa inuu ku qabsado Markab siday shixnad saliid ah oo Iiraan laga lahaa, kaasoo marayay badda Cumaan.

Xukuumadda Tehran ayaa sheegtay in iska horimaad uu dhexmaray Ilaalada Kacaanka iyo ciidamada Mareykanka ee damacsanaa in ay afduubtaan Markabkan saliidda siday.

Wakaalada Wararka ee Mehr ee taabacsan Kacaanka Iiraan ayaa sheegtay in iska horimaad kooban uu dhexmaray doonyo dheereeya oo ay wateen ilaalada Kacaanka Iiraan iyo Markab laga leeyahay Mareykanka oo markii dambe goobta ka tagay.

Iiraan ayaa sheegtay in dhawaan ay baahin doonaan cajalado muuqaal ah oo la duubay intii ay socotay iska horimaadka. Mana jiro war arrinkan ku saabsan oo ka soo baxay Xukuumadda Washington.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post