957 Views

Madaxweyne Deni oo sheegay inay diyaar u yihiin wada-hadallada DFS

Madaxweyne Deni oo sheegay inay diyaar u yihiin wada-hadallada DFS
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | October 02, -2019 —Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka hadlay sababaha ay u qaadaceen Shirka Madasha Iskaashiga Soomaaliya iyo wada-hallada Dowladda Federaalka iyo Maamulka Puntland oo ah kuwa aan weli ka qorsheyn.

 

Siciid Deni waxaa uu sheegay in Puntland ay diyaar u tahay wada-hadallo toos ah oo ay la galaan Dowladda Federaalka,isla markaana si toos ah Tv-yada looga daawado si dadka Soomaaliyeed u ogaadaan waxa ay iksu heystaan.

 

 

 

“Waxaan fahmayaa in dada aan wax ka ogeyn waxa jira ay aqbalaan wixii loo sheego,waxaan diyaar u nahay inaan dowladda federaalka la furno wada-hadallo Toos loo daawado si Bulshada u ogaato wixii aan isku heyno loona xaliyo ayuu yiri” Madaxweyne Deni.

 

Sidoo kale Madaxweynaha Puntland ayaa soo hadal qaaday Shirka Madasha Iskaashiga Soomaaliya ee ka socda Muqdisho iyo sababaha ay u qaadaceen,waxaana uu sheegay in Puntland aan laga talo gelin,isla markaana ay Baraha Bulshada ka arkeen Ajandaha Shirka sidoo kalena ay hayaan War-Murtiyeedka laga soos aari doono Shirkaan.

 

Hadalkan ayaa Madaxweynaha Maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni waxaa uu ka sheegay kulan uu xalay kula qaatay magaalada Boosaaso bulshada gobolka Bari,kaas oo ahaa mid Bulshada ay Su’aalo ku weeydiinayeen.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment