933 Views

Madaxweynaha Somaliland oo qaabilay Wafdi gurmad ahaan uga yimid dalka Jabuuti

Madaxweynaha Somaliland oo qaabilay Wafdi gurmad ahaan uga yimid dalka Jabuuti
____________________________________________________________________________

Madaxweynaha  Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa qasriga madaxtooyada ee Magaalada Hargeysa ku qaabiley wefdi ka socday Jamhuuriyadda Jabuuti oo uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha Jabuuti, Mudane Siciid Nuur Xasan.

Waxaanu ujeedka safarka wefdiga uu ku saabsana farriin ay ka sideen madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti  Ismaaciil Cumar Geelle oo ahayd tacsi iyo tiiraanyo uu u soo diray shacabka Somaliland ee masiibada dabku ku habsatay iyo in ka dawlad Jabuuti ahaan ay diyaar ula yihiin shacbiga Somaliland wixii karaankooda ah ee ay gacan kaga geysan karaan taakulada masiibada dabkii baabiiyey suuqii weynaa ee Waaheen.

Madaxweynaha Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa dhiniciisa waxa uu soo dhaweeyey wefdiga waxaanu uga mahadceliyey dawladda Jabuuti iyo shacbigeeda gurmadka iyo tacsida ay la garab istaageen shacbi weynaha Somaliland, waxaanu si gaara ugu mahadnaqay madaxweynaha Jabuuti mudane Ismaaciil Cumar Geelle oo ahaa madaxweynihii ugu horreeyey ee saacadihii ugu horreeyey ee dabku socday la soo xiriiray lana wadaagay dareenkiisa murugada leh shacbiga Somaliland.

Ugu danbayntii wefdiga ka socday dowladda Jabuuti ayaa booqday suuqa waaheen ee ay saamaysay masiibadii dabku, waxaana halkaa warbaahinta kula hadlay wasiirrada Arrimaha Gudaha ee Labada Dal, Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Jauuti iyo Maayarka Caasimada Somaliland ee Hargeysa.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post