924 Views

Jabuuti oo ku guuleysatay Guddoomiyaha Baarlamaanka Afrika

Jabuuti oo ku guuleysatay Guddoomiyaha Baarlamaanka Afrika
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Nofeembar 30- 2019 –Maxamed Cali Xumad Guddoomiyaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa ku guuleystay xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka Midoobay ee Afrika.

 

Maxamed Cali Xumad ayaa sheegay in guushiisa ay tahay mid Fursad weyn u ah dalalka ku yaalla geeska Afrika oo aysan soo marin fursaddaan sanadihii ugu dambeeyay.

 

Xilka Giddoomiyaha Baarlamaanka Afrika waxaa horay u haayay Gudoomiyaha baarlamaanka dalka Burkina Faso Alassane Bala Sakandé.

 

Gudoomiyaha cusub ee baarlamaanka Midoobey ee Afrika ayaa sheegay in uu ka shaqeyn doono Dimuqraadiyadda, isdhexgalka dalalka Afrika iyo Sare u qaadida  dhaqaallaha.

 

Guushaan ayaa gaartay dowladda Jabuuti ayaa kusoo beegan tahay xilli bisha june ee sanadka 2020 Dowladda Kenya kula tartameysaa kuriga Golaha amaanka ee Qaramada Midoobey kaas oo labada dal ay tartan ugu jiraan, islamarkaana Jabuuti ay wali sameyn karto galaangal dhanka Codadka ah.

 

Xafiiska WArarka Qaranimo Online | Muqdisho
____________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment