225 Views

Maamulka Jubaland oo shaki badan ka muujiyay in Shabaab kaliya ay ku kooban tahay dilka taliyihii Sirdoonka Soomaaliya ee gobolka Gedo Bakaal Kooke

Maamulka Jubaland oo  shaki badan ka muujiyay in Shabaab kaliya ay ku kooban tahay dilka taliyihii Sirdoonka Soomaaliya ee gobolka Gedo Bakaal Kooke
____________________________________________________________________________

Sabti: december 17, 2022

Maamulka Jubaland ayaa shaki badan ka muujiyay in Shabaab kaliya ay ku kooban tahay dilka taliyihii Sirdoonka Soomaaliya ee gobolka Gedo Bakaal Kooke oo dhawaan lagu dilay qarax loo galiyay gudaha gaarigiisa, xili uu marayay inta u dhexeysa magaalooyinka Luuq iyo Dooloow.

Wasiirka amniga maamulka Jubaland, Sareeye gaas Yuusuf Xuseen Cusmaan Dhuumaal, ayaa hay’ada NISA ka dalbaday iney baaritaano deg deg ah ku sameyso kiiskan, wuxuuna carabka ku adkeeyay inuu jiray khilaaf siyaasadeed oo u dhaxeeyay siyaasiyiin uu sheegay in aysan ka shaqeyneynin danaha gobolka Gedo iyo sarkaalka la dilay.

“Runtii, arrintu waxay ahayd arrin shirqool ah, muddaba la daba socday ninka kan. Qaabkii lagu dili lahaa haloo adeegsanayo gacan Khawaarij ama gacan kale oo dad ku dhow hala adeegsado, waa wax cad. Waa wax information-keeda la hayay. Taasina waqti kaste ha noqotee way soo bixidoontaa,” ayuu yiri wasiirka amniga Jubbaland.

Si kastaba, Jeneraal Dhuumaal si rasmi ah ma u shaacin cida uu tuhmayo, Waxaana horay u sheegay in kiiskan la baadhayo Taliyaha NISA Mahad Salaad.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post