633 Views

Iran: Tiro dad ah oo ku dhintay dibadbaxyada looga soo horjeedo Xijaabka

Iran: Tiro dad ah oo ku dhintay dibadbaxyada looga soo horjeedo Xijaabka
____________________________________________________________________________

Axad: September 25, 2022

Warbaahinta Iran ayaa sheegtay in 35 qof ay ku dhinteen dibadbaxyo ballaaran oo ka dhashay dhimashada ku timid haweeney ay xireen booliska.

Dibadbaxyada siddeedda maalmood ka socday Iran ayaa horseeday inay isku dhacaan dadweynaha iyo booliska rabshadaha ka hortaga, dibadbaxyadaas oo ku baahay magaalooyin dhowr ah.

Kooxaha u doodo xuquuqul insaanka ayaa sheegay in ardey iyo kooxaha bulshada rayidka la xiray xilli ay ku sugnaayeen guryahooda.

Gabadha dhimatay oo lagu magacaabo Mahsa Amini ayaa waxaa maalmo ka hor xiray booliska Tehran kadib markii ay xiray xijaab aan habbooneyn.

Sidoo kale dibadbaxyo kale oo lagu taageerayo laamaha amniga ayaa ka dhacay magaalooyin dhowr ah oo ku yaalla Iran.

Haweenka ku dhaqan dalka Iran ayaa mudaaharaad ka dhigayay sharciga adag ee xijaabka iyagoo meel fagaare ah iskaga siibay xijaabka ama qamaarada sida la dheehan karay muuqaallo ay soo dhigeen baraha bulshada.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post